Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada Beledweyne ayaa soo gabagabeeyay socdaalkiisii ku saabsanaa xal u helida arrimaha shirka maamul u sameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyagoo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.
Waxaa la shaaciyay in heshiis is-afgarad ah laga gaaray wadahadal u socday odayaasha beelaha Gobolka Hiiraan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Beledweyne.
Heshiiskan ayaa waxaa la iskula raacay in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ay noqoto madasha shirka lagu dhisayo maamulka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Waxaa sidoo kale la isku raacay in magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ay noqoto caasimadda maamulka cusub ee loo dhisi doono labada gobol.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Odowaa iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed
oo saxaafadda kula hadlay Beledweyne ayaa sheegay in madaxweynaha labada gobol uu noqonayo mid loo tartamo oo aan heshiiska ku jirin.
Goobjooge.com