Fanaaniinta Axmed Rasto iyo Hodan Cabdiraxmaan ayaa Maanta yimid magaalada Muqdisho, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee caasimadda Somaaliya yimaadaan, waxaana soo dhoweyn diiran u sameeyay masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliyaa iyo dadweyne.
Masuuliyiintii soo dhaweeyay fanaaniinta ayaa waxaa ka mid aha wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, Maamulka Gobolka Banaadir, Hobalada qaranka Waabari, iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Hodan iyo Axmed ayaa isla maanta waxaa ay tageen xarunta golaha murtida iyo mada daalada qaranka ee National Theatre oo ku yaalla Degmada Warta Nabada. Fanaaniinta oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbaxiyay imaasha magaaladda Muqdisho iyo ujeeda ay u yimadeen dalka.
Xidlhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa hoosta ka xariiqay in fanaaniinta ay yihiin jiheeyiyaasha umadda isla markaana loo baahan yahay in ay wacyigeliyaan. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Cabdilaahi Colaad Rooble ayaa tilmaamayay in wasaaradda warfaainta dhaqanka ay aad u sood dhaweynayso fanaaniinta dib dalka ugu soo laabanaya.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com