Sunday, August 3, 2025

DEGDEG: Ceelbarde oo lagu doortay Madaxweyne cusub iyo maamul ka horjeeda K/Galbeed

Shirkii ka socday degmada Ceelbarde ee ay abaabuleen xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa looga dhawaaqay maamul lagu magacaabo Bakool sare oo iyadoo la sheegay in madaxweynaha Ismaamulka Bakool Sare  loo doortay Mudane Axmed Sheekh Maxamed Loxos oo ku magac dheer Axmed Mashruuc.

Madaxweynahan cusub ayaa madax u noqonaya  maamul ka horjeeda kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay hoos tagaan dhisay Degmada Ceelbarde iyo degaanada Yeed iyo Aato.

Madaxweyne ku xigeen ayaa la sheegay in loo doortay  Cabdullaahi Sahal Xuseen (Cabdullaahi Nirig), waxaana la sheegay in shirka la soo gabagabeeyay caawa, iyadoo lagu go’aamoyay in wejiga danbe ee shirka lagi dhameystiri doono maamulkaasi.

Madaxwaynaha Maamulka cusub ee  Bakool State ayaa in  mudo ka mid ahaa Golaha Wasiirada ee Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, balse iska casilay xilkaas.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON