Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta mar kale gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay kulan kula leeyihiin Madaxda maamulka Jubbaland.
Gen. Maxamed Aaden Axmed ayaa la filayaa in marka ay u soo gabagabowdo kulamada uu la yeelanayo madaxda Jubbaland uu socdaal ku tegi doono xeryaha ay ku jiraan ciidamada isku dhafka ah ee lagu tababbarayo Kismaayo, kuwaasi oo uu ugu kuurgeli doono xaaladda ay ku shaqeeyaan.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo wafdiga la socda ayaa inta ay ku suganyihiin Kismaayo waxa ay sidoo kale kula la yeelan doonaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka ka howlgallada Gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo ay ka dhagaeysanayaan xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo caqabadaha heysta.
Waa markii labaad ee taliyaha xoogga uu booqdo magaalada Kismaayo muddo la bilood gudahood ah, iyadoo ay Kismayo xarun u tahay ciidamada isku dhafka milateriga Qaranka.
Goobjooge.com