Maxamed Cali Maxamed (Fareey) oo ahaa u qaabbilsanaha Al-shabaab ee gobollda Baay, Bakool iyo Gedo ayaa la sheegay inuu isu dhiibay ciidamada dowladda Soomaliya ee ku sugan magaalada Luuq kadib waanwaan dhex martay labada dhinac.
Horjooge Fareey ayaa loo soo gudbiyay laamaha ammaanka Magaalada Muqdisho si waraysiyo dheeri ah looga qaado,maaddaama uu hayo xogo muhiim ah oo la xiriira sirta gaarka ah ee Ururka Al-shabaab oo uu horay ugu tirsanaa.
Dhawaan ayay ahayd markii Sakariye Ismaaciil Xersi oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka Al-Shabaab uu isku soo dhiibay maamulka gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya,islamarkaana loo soo masaafuriyay magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com