Muqdisho waxaan ka dhoofay Disembar 1990 ka dib markii aan
Laanqeyrta Cas uga soo shaqeeyay Berbera, Hargeysa, Burco, Beer, Borame iyo gobolka Awdal degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan ilaa Weeraar. Waxaan
Muqdisho dib ugu soo laabtay May 1994 iyada oo magaaladu ay u kala qeybsan
tahay laba hoggaamiye kooxeed iyo malliishiyadooda oo qabiil iska ahayd.

Intii ka dambeysay celcelis ahaan ugu yaraan sannad kasta hal mar
ayaan imaanayay magaalada. Inkasta oo sannadaha qaarkood saddex ama afar jeer
aan imid. Waxaa jiray xilli ay xirnayd gegida dayaaradaha ee Muqdisho oo
laga soo degi jiray shan garoon oo kala duwan oo mid kasta uu haysto Hoggaamiye
kooxeed qabiil dabada kula jira. Bartamihii 2012 wixii ka dambeeyay inta badan
waxaan ku noolahay Muqdisho.

Waxaan qormadaan ku eegayaa waxa ay isheydu qabato marka aan Muqdisho dhex maro hadda oo ah Disembar 2015. Akhristow qiimeynta halka aad dhigeyso adiga ayaan kuu deynayaa.
Waxyaabaha indhaheyga ku cusub waxaa ka mid ah Boorsada garabka suran ee lala lugeynayo oo ay u badan tahay in kombiyuutarka dhabta la saartaa uu ku jiro.
In meel kasta lagu weydiinayo aqoonsi. Inkasta oo aan taas la yaabay maaddaama aan qof kasta oo Muqdisho joogaa anuu aqoonsi lahaan karin.

ma wadaagaan.
In muuqaalka baabuurta magaalada dhex yaaceysaa ay tartiib isu beddeleyso. waxaa sii yaraanaya kuwa muuqoodu ku xasuusinayay wixii magaalada ka dhacay waxaana ku soo badanaya baabuurta qurqurxoon ee raaxada, Waxaa soo badanaya dhismayaasha qurqurxoon ee magaalada. Waxay isugu jiraan qaar xafiisyo ah oo ah dabaqyo dhaadheer sida daaraha ay Hormuud iyo Dahabshiil ka dhisteen aagga nambar Afar iyo daaraha la teedsan Bakaaraha. Waxaa iyaguna jira guryo iyo goobo ganacsi, qaar waxaa dhistay sharikado waaweyn,
qaarna dad hantileey ah, qaar kalena waxaa dhistay dad dowladda hadda ama hore ugu shaqeeyay oo ay dad badani tuhunsan yihiin in ay ku dhisteen hanti ummaddu ay leedahay oo ay lunsadeen iyo laaluush ay qaateen.

Saddax Xamar
Magaaladu waxay u qeybsan tahay saddex. Laba qeybood oo waaweyn waxaa u dhexeysa soohdin ilo-ma-qabatay ah. Waa dhinaca Dowladdu ay deggan tahay, ku shaqeysato, howlaheeda sida ay doonto uga fuliso habeen iyo maalin, ayna deggan yihiin dadka dowladda u shaqeeya, kuwa raba in ay u shaqeeyaan iyo kuwa martida u ah iyo shacab badan oo guryahoodu ay dhinacaas ku yaallaan. Dhinacaan waxaa lagu qabtaa qaar badan oo ka mid ah xafladaha ay Madaxdu ka qeyb gasho.
Dhinaca labaad waa xaafadaha shacabka oo ah meesha dadka magaalada ugu badani uu deggan yahay. Marka aad dhex mareyso xaafadaha shacabka, waxaad mooddaa in aad joogto Xamar oo siddeetamaadkii ah. Waxyaabo yaryar ayaa ku soo xasuusinaya in xaaladdu ay is beddeshay. Waxaa ka mid ah burburka iyo nadaafad darrada waddooyinka qaarkood, magacyada goobaha ganacsiga iyo lebbiska gabdhaha. Intaas marka laga reebo ma arkeysid wax ay uga duwan tahay Xamar-tii aan ku soo koray.
Keliya waxaa aniga ii dheer in waddooyinka qaar sida Xamar Jadiid, ama agagaarka Boostada iyo Hotel Jubba ama agagaarka Shabeelle oo marka aan soo istaago in badan dadka maraya aan is naqaannay ama ugu yaraan aan bargaranayay meesha uu deggan yahay qofku, waxa uu ka shaqeeyo ama qofka ay isla dhasheen ama saaxiibka yihiin, gaariga ama mootada uu wato iyo hadduusan wadan iwm in aanan hadda qofna ka aqoon dadka waddada maraya.
Dowladdu labada dhinac ee magaalada wey tegi kartaa weyna tagtaa. Laakiin dhinac waa dhulkeeda ay ku shaqeysato dhinacna waxaa taga ciidan keliya ama qof madax ah oo si aad ah loo ilaalinayo oo meel tiigsanaya. Habeen aan sidaa u sii fogeyn aniga oo la fadhiya mas’uul sare ayaa waxaa loo dhiibay wargeys ay ku sawiran yihiin dhismayaal waaweyn oo magaalada ku cusub laakiin sannad ka badan uu dhismahoodu socday. Wuxuu ula yaabay sida qof aan magaalada joogin. Waxay ahayd markii ugu horreysay oo uu arko.
Haddii aadan ahayn qof bartilmaameed ah, waxaa ammaankeedu wanaagsan yahay ayaa la dhihi karaa xaafadaha Shacabka. Ilaalo la’aan ayay baabuurtu socotaa, waa la lugeyn karaa habeen iyo maalin, guryahana ilaalo hubeysan ma joogto, hey’ado ma deggana, Xafiisyo dowladeed kuma yaallaan, lamana kala shakisana. Makhaayadaha ayaa fiidkii lagu caweeyaa oo bannaanka la fadhiyaa.
Masaajiddu waa kii aad soo gaarto.
Masaajiddu waa kii aad soo gaarto.

niman hubeysan oo inta badan uu midkood boobe culus ku raran yahay ay
dhinacyada lugahoodu ka raaracaan. Waxaa laga yaabaa in ay keligood yihiin ama
ay hor iyo daba socdaan baabuur cayilan oo la yiri xabbaddu ma karto oo qof
madax ah lagu gelbinayo ama lagu doonayo. Laakiin waxaa sii gabaabsi ah oo ay adag tahay in aad aragto ilaalo hubeysan oo baabuur saaran oo aan ciidanka Dowladda ahayn.
Waxaa aad u yaraaday dadkii lagu dili jiray in ay tageen xafiis dowladeed ama ay xaafadaha shacabka ka yimaadeen oo ay ka tallaabeen soohdinta aan ishu qabaneyn. Dadka dhinaca shacabka deggani waa u xor magaalada dhinaca ay doonaan in ay maraan.
Toddobaad kasta qof ama ka badan ayaa la dilaa. Hore ayaan wax uga qoray in aan qirashada Shabaab keliya lagu qanci karin. Dilalkaas waxaa dhowaan faahfaahin ka bixiyay Taliyaha Nabad Sugidda.
Waxaad arkeysaa Hotel, Xafiis, dhisme kale oo biro ama dhagxaan
waaweyn jidgooyo ahaan loo hor dhigay oo ay ka dambeeyaan jawaanno ciid ah oo
gadaashooda niman hubeysani ay ku jiraan, qaar taagtaagan yihiin, qaarna
gabbaad kor loo dhisay ay kaa soo dhex eegayaan. Meelaha qaar waxaad mooddaa dhufeys goob dagaal sida albaabka weyn ee laga galo gegida dayaaradaha.

Meelaha ay weerarrada iyo qaraxyada al Shabaab ku wajahan yihiin oo ay ka dhacaan waa dhinaca Dowladda iyo inta la shaqeysata ama ay xaafaddoodu noqotay ay ka deggan yihiin magaalada.
Waxaa magaalada ku soo batay dad ka yimid dibadda, qaar ka yimid Gobollo kala duwan oo dalka ah. Waxaan si gaar ah beryahaan dambe isu aragnay saaxiibbo reer Puntland ah oo reer Xamarkii hore u badan oo aan is leeyahay wey ka soo bateen intii hore. Guud ahaan qurbo joogta iyo Soomaalida Gobollada kale ka yimid waxay isugu jiraan dad siyaasadda kulaala, qaar xildoon ah, qaar ganacsato ah oo Dowladda qandaraasyo ka raadinaya amaba magaalada ka sameystay ganacsi, qaarkood waa keliya in ay arkaan sida xaalka magaaladu yahay, dhallinyaro fursado shaqo ama waxbarasho raadinaya iyo qaar kaleba. Yaanan illaawin dad u yimaada keliya in ay guryahooda dayac tiraan una helaan kiro. Dabcan duullimaadyada Soomaaliya isku xira iyo kuwa Soomaaliya ku xira caalamka intiisa kale ayaa iyaguna soo kordhaya.
Magaaladu weli tiyaatar iyo shaneemo noocii la yaqaannay ah ma laha.
Wasiirka Warfaafinta ayaa dhowaan igu casumay mar uu Tiyaatarka soo kormeerayay. Aniga oo arday Iskuul ah ayaan Tiyaatarka uga qeyb galay tartankii Kedis – kuna guuleystay, aniga oo
dhallinyaro ah ayaan u tegi jiray daawashada riwaayadaha kuna daawaday fannaaiinta fanka Soomaaliyeed ugu magac weyn, aniga oo weriye ah ayaan xiriiriye ka ahaa munaasabad aan hanti ugu uruurineynay Ururka Indhoolayaasha markii la asaasay, annaga oo arday Jaamacadda ah ayaa riwaayad ka dhignay aanan anigu jilayaasha ku jirin laakiin aan ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha, anigu qoraa Xiddigta Oktoobar ah ayaan u tegi jiray in aan ka faalloodo riwaayadaha sida faallo dheer oo aan ka qoray Rowaayaddii Xiddigtii is Xujeysay, waxaan aqaannay Tiyaatarka xagga la fariisto, godka miyuusigga, daaha gadaashiisa iyo qolka tebinta ee idaacadda tooska ugu xiri jiray. Waxaan ogaa quruxdiisa iyo agabkii yaallay. Markii aan dhex istaagay runtii aad ayaan ugu murugooday sida uu u
yaallo iyo waxa uu noqday.

Wasiirku isla goobtii ayuu uga dhawaaqay in uu dayac tiri doono. Tiyaatarku wuxuu qeyb weyn ka qaataa wacyi gelinta bulshada iyo faafinta dhaqanka, afka iyo suugaanta wuxuuna sahlaa in bulshadu ay isku xusuus iyo isku xiisa ahaato isuna dookh dhowaato.
Waxaa hadda soo badanaya goobaha ay dhallinyaradu u tagaan in ay ka cunteeyaan ama ay u maaweelo iyo haasaawe tagaan, kuwaas oo ka sicir jaban kana shidan Hoteellada waaweyn ee magaalada.
Waxaa sare u sii socda cayaaraha kubbadda cagta iyo tan koleyga ee magaalada laga cayaaro. Garoonka Banaadir (x Koonis) oo aan cayaar ku daawaday waxaan la yaabay tirada dadka u soo daawasho tegey iyo quruxda garoonka oo cagaar wanaagsan lagu goglay, si fiicanna loo xardhay diilimaha kala duwan oo cayaarta xakameynaya.
Xeebta Liido ayaa jimcaha dhallinyaro badani u dabaal tagtaa. Laakiin maalmaha kale laftooda dabaal, kubbad iyo ka shaaheynta makhaayadaha la teedsan xeebta ayaa Lido loo tagaa.
Qeyb saddexaad ee magaaladu waa xerada Xalane ilaa Dugsiga Booliiska oo isu furan oo ay deggan yihiin safaarado, ciidammo Soomaali iyo ajnebi leh, xafiisyada Qarammada Midobay, sharikado ajnebi ah, Soomaali u shaqeysa hey’adaha kala duwan ee meesha deggan, hoteello, makhaayado, baarar iyo goobo lagu caweeyo.
Xeradaas wax badan ayay magaaladu hadal haysaa laakiin cid si dhab ah u og waxa ka socda ma hubo in ay jirto. Sababta oo ah xerada lafteeda ayaan iska wada warqabin.
Muqdisho cabsida maanta ugu weyn 2015 waa midda amniga.
W/Q: Yusuf Garaad