Dowladda Soomaaliya oo ku howlan diyaarinta shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa AMISOM ka dalbatay in ciidamo la geeyo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada Burundi ayaa la sheegay in dhowe boqol oo ka mid ay tegi doonaan magaalada Jowhar toddobaadkan gudihiisa, iyadoo lagu xoojinayo ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda oo Muqdisho laga qaadayo si ay u sugaan ammaanka shirka iyo madaxda shirka ka qeyb galeysa.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ayaa diyaarineysa qorshaha wejiyada shirka oo marka hore la ururin doono ergada shirka oo loo qeybin doono qaab beeleeed. Howsha Shirka ayaa waxaa si toos ah u wadi doonta Wasaaradda kadib markii guddigii farsamo ee howshaasi qaban lahaa la isku khilaafay oo la laalay.
Goobjooge.com