Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya ayaa waxaa Xilalkii looga qaaday Guddoomiyaasha Degmooyinka kala ah Kaxda iyo Shangaani,kuwaas oo kala ahaa Axmed Xasan Yalaxoow iyo C/kaafi Macalin Shugri .
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Labadasi Mas’uul Xilkii laga qaaday kadib markii uu soo jeediyay Arrintaasi Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimacaale.
Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Xusay in Degmooyinkaasi Guddoomiyaal Cusub loo magacaabay, kuwaas oo badalaya Guddoomiyaashii Xilka laga qaaday.
Guddoomiyaha degmada Shangaani waxaa dib loogu magacaabay Saciid C/qaadir oo xilkaasi hore looga qaaday bishii June.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu wado qorshe uu xilalka uga qaadayo guddoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood oo uu ku eedeeyay waxaan la filayaa in sidoo kale xilka laga qaado Guddoomiyaasha Degmooyinka Boondheere iyo Yaaqshiid oo ka tirsan Goobolka Banaadir.
GOOBJOOGE.COM