Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin ku saabsan qasaaraha dagaalkii qaraaraa ee Alshabaab ku qaadeen Qoryooley

Faafhaahin ayaa ka soo baxeysa dagaal kooxda Alshabaab maqribnimadii caawa ku qaaday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo dableyda Alshabaab ay muddo ka dhex dagaalameen.

Alshabaab ayaa la sheegay inay qabsadeen qeybo ka mida degmada Qoryooley kadib dagaal qaraar oo ay la galeen ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaalka. Ciidamada Nabadsugidda ayaa la sheegay inay u soo gurmadeen degmada oo ay caabiyeen kooxda Alshabaab oo dib loo celiyay.

Afahyeenka maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in 9 maleeshiyo looga dilay dagaalka, halka dhinaca ciidamada dowladda uu sheegay inay uga dhigteen 5 askari. Wuxuuna mahadcelin u jeediyay ciidamada NISA ee u soo gurmaday.

Alshabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen degmada Qoryooley, isla markaana ay gubeen gaadiid dagaal, qaar kalena ay ku qabsadeen dagaalkaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON