Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan Afaraale: “Waxaan ka digayaa inay Ceelbarde ka dhacaan wixii ka dhacay Gaalkacyo”

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Bakool ayaa ka digay in dagaal la geliyo degaanada ka mida gobolka Bakool ee ay maamulka ka dhiseen xildhibaano iyo siyaasiyiin.

Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in Gobolka Bakool ka kooban yahay 5 degmo oo qura, waxa meesha ka dhacayna ay yihiin shirqool lagu doonayo in dagaal ka dhaco halkaasi sidii Galmudug.

“Caalamka iyo dowladda Federaalka waxaan u sheegayaa dadka fitna-wadayaasha ah ee degaano aanay lahayn wareegaya inay tallaabo sharci ah ka qaadaan….” ayuu yiri xildhibaan Afaraale oo intaas ku datay in dadka howsha wada ay yihiin laba-kaarlayaal ka tirsan kilinka shanaad.

Wuxuu mar kale ka digay inuu dagaal ka dhaco Ceelbarde, taasina ay keeni doonto inay Ceelbarde ka dhacay wixii ka dhacay Gaalkacyo .

DHAGEYSO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON