Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansxiyay Sharciyeedka Saxaafadda kadib akhriskii saddexaad ee sharcigaasi oo muddo dheer soo jiitamayay. Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo ay soo xaadireen 142 xildhibaan ayaa lagu soo bandhigay Sharciga Saxaafadda iyadoo cod la geliyay .
ildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay sharciga saxaafadda Qaranka, waxaana 139 mudane ay ogolaadeen sharciga, halka ay ka aamuseen saddex mudane, mana jirin cid diiday sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta.
Sharcigan oo ka soo jeeda midkii magaalada Baydhaba ay ku ansixiyeen xildhibaanadii Baarlamaanka Kumeelgaarka ahaa ayaa isbedel badan lagu sameeyay. waxaana marar badan dood geliyay ururada saxaafadda, laakiin markii ugu danbeysay waxaa isbedel kale ku sameeyay Guddiga warfaafinta ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa mas’uuliyinta Wasaaradda Warfaafinta kula dardaarmay inay dhaqan geliyaan sharciga saxaafadda oo u usheegay in baahi weyn loo qabo.
Goobjooge.com