Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ku dhawaaqay xilliga uu furmayo shirka maamul u sameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe isagoo sidoo kale magaalada Jowhar ka sheegay tallaabooyin la qaadayo si loo sugo ammaanka magaalada uu shirku ka dhacayo.
Wasiir Odowaa ayaa shaaciyay in toddobaadka soo socda uu furmayo shirka, isla markaana maalinta uu furmayo ay dib ka shaacin doonaan, wuxuuna intaasi ku daray in jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Jowhar la dhigi doono ciidamo ilaaliya.
Magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha dhexe ayaa isu diyaarineysa marti gelinta shirka labada gobol, iyadoo ay halkaasi hadda socdaan ku joogaan wasiiro iyo xildhibaano kormeeraya xaaladda magaalada, waxaana lagu wadaa in la geeyo ciidamo isugu jira AMISOM iyo nabadsugid.
Wafdiga Wasiirada ah ee tegay Jowhar ayaa adeegsaday diyaarad helikobtar ah, waxaana caadiyan diyaaradaasi ay adeegsadaan madaxda dowladda Federaalka.
Goobjooge.com