Kooxo hubeysan oo la socday gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa goor dhow weeraray gaari kale oo uu la socday Cumar Faaruuq Cismaan oo ah mid ka mida xoghaya garabyada uu leeyahay ururka NUSOJ oo beryahan ku sugnaa Muqdisho.
Xilliga weerarka uu dhacayay ayaa la sheegay in Cumar Faaruuq oo gaariga saaran ayna la socdeen ilaalo rasaas lala beegsaday, xilli uu ku socday guriga uu deganaa oo ku yaalla ka soo horjeeda Carwadii hore ee Taleex ee degmada Hodan.
Kooxaha weerarka geystay ayaa rasaas ku furay, wuxuuna sheegay Cumar Faaruuq laf ahaantiisa inuu arkayay saddex qof oo rasaas ku soo furaya oo ilaaladiisa ay difaaceen, waxaana ku dhaawacmay mid ka mida ilaaladii Cumar Faaruuq.
Xoghaye Cumar Faaruuq ayaa ka mida qabqableyaasha saxaafadda ee muddo dheer madax ka ahaa ururka NUSOJ oo markii danbe xilka laga qaaday una kala jabay laba qeybood, waxaana weerarkan shaki badan ka muujinaya saxafiyinta kale qaarkood lama oga inuu yahay mid uu isagu abaabushay iyo mid lagu khaarijin lahaa. Ciidamada ammaanka ayaa baaritaan ku haya kiiskan.
Goobjooge.com