Wednesday, June 25, 2025

Barlamaanka Federaalka oo ansixiyay Xisaabxirka Miisaaniyadii (Maxaa laga yeelay kharashaadii Maqnaa…?)

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankiisii uu ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku ansixiyay xisaabxirka Miisaaniyadii 2014 oo weli hor taalay Baarlamaanka isla markaana lacago badan ay ka maqnaayeen.

Shirka oo uu guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad waxaa cod loogu qaaday lagu mMeel-mariyay Xisaab Xirka Sanadkii 2014-kii ee laga soo gudbay. 139 Xildhibaan ayaa Ogolaatay in la meelmariyo Xisaab xirka Sanadkii 2014, iyadoo 5 Mudane ay Diideen, halka ay ka aamuseen Labo Mudane.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalmahaan ka doodayay Xisaab Xirka  Dowladda nEe Sanadkii 2014, waxaan soo baxay lacago badan oo ka maqan xisaabxirkaasi, taasoo si gaari guddi loogu saaray inay u dabagalaan.

Ansixinta miisaaniyadda cusub ee 2016  ayaa hor taalla Baarlaanka oo laga doonayo inuu ansixiyo inta aanu sanadka cusub dhalan oo 1 maalin ay ka hartay, iyadoo xisaabxirka miisaaniyadda sanadka 2015 la sheegay inay ka darran tahay tan muranka badan ka dhashay ee 2014.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON