Saturday, July 5, 2025

Dhageyso: Xildhibaan Dalxa oo si caro ah u soo bandhigaya lacagta ay lunsatay dowladda Federaalka 2014

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa si kulul uga hadlay kharashaadka la lunsaday ee ka mid ahaa miisaaniyadda dowladda Soomaaliya sanadkii 2014, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay lacaga maqan ee xukuumadda Soomaaliya loo ansixiyay isla markaana aan la siin cidii xaqa u lahayd.

Xildhibaanka oo si kulul ula hadlay gudoomiye Jawaari ayaa isagoo u sheegay inuu kursiga guddoonka ku fadhiyay muddo dhowr sanadood ah oo uu garanayo halka lacagtaasi ku maqan tahay, ayna xaq ahayn in la iska ansixiyo xisaab maqan.

Iyadoo maanta la ansixiyay xisaab xirka 2014 miisaaniyadii dowladda ayaa Xildhibaan Dalxa wuxuu ka mid ahaa xildhibaanadii sida kulul uga hadlay musuqa lacag lunsi ee ka dhex jira dowladda Federaalka.

Dhageyso codka xildhibaanka

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON