Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in dagaal beeleedkii u dhaxeeyay labo maleeshiyo uu dib uga qarxay halkaasi, iyadoo dagaalkan cusub uu ka dhacay degaanka Buq-goosaar oo Beledweyn kaga beegan dhanka Galbeed.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yahay mid xoog leh oo labada beelood ay maleeshiyo gurmad ah kala heleen, taasoo keentay inuu sii kululaado. wuxuuna daba socdaa dagaalkii xalka laga gaaray ee bishii hore ka dhacay xaafada howl-wadaag ee degmada Beledweyn.
Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku adag tahay inay tagaan degaanka lagu dagaalamayo, waxaana arrintan ay dhabarjab ku tahay dadaalkii lagu bixiyay joojinta dagaalkaasi .
Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo uu ku doonay in lagu dhex galo labada maleeshiyo beeleed oo hadda ku diriraya tuulooyin miyi ah.
Goobjooge.com