Wednesday, June 25, 2025

Weerar Madaafiic ah oo Alshabaab ku qaaday Xerada Xalane oo la sheegay in la fashiliyay

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa sheegtay inay ka hortageen weerar qorsheysan oo Alshabaab damacsaneyd inay ku soo qaado  Xarunta ugu weyn Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee  Xalane.

NISAwaxay sheegtay in Ciidamada Sirdoonka Qaranka ay ka hortageen weerarka oo lagu soo beegay xuska sanadka cusub, waxaana xalay la maqlayay madaafiic ka dhacaysa Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn qaabka loo fashiliyay mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo la bixiyay.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay weerar Madaafiic ah xalay ku qaadeen Xarunta Xalane oo ah Fariisinka ugu weyn Ciidamada Midawga Afrika Ee AMISOM, iyadoo qasaare gaarsiiyay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON