Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaano Digil Mirifle ah oo ku sii jeeda Ceelbarde & ciidamo Itoobiyaan ah oo is hortaag ku sameeyay

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda beelaha Digil & Mirifle oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa  isu diyaarinaya inay tagaan degmada Ceelbarde iyo degaanada Yeed iyo Aato oo dhowaan laga dhigay maamul loo bixiyay Bakoolsare.

Wafdi hordhac ah oo tegay degmada Xudur ee Xarunta u ah Gobolka Bakool ayaa wadahadal la yeeshay saraakiil Itoobiyaan ah oo ku sugan halkaasi, waxayna wararku sheegayaan inay ciidamada Itoobiya diideen in wafdigaasi uu tago degmada Ceelbarde.

Wadahadal dheer kadib ahyay wararku sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay ogolaadeen inay wafdigaasi tagaan Ceelbarde, waxaan xildhibaanada  Ceelbarde tegay oo taageersan Shariif Xasan ay doonayaan inay dadka degaamad Ceelbarde, Yeed iyo Aato ay kulamo la soo yeeshaan.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Saraakiisha Itoobiya ay isla meel dhigeen in xildhibaanada ka socda dowladda Federaalka la geeyo Ceelbarde, wuxuunta intaas ku daray inay ku biiri doonaan xubno kale oo uu hogaaminayo Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON