Sunday, July 13, 2025

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku biiray Howlgalka AMISOM ee Jubbooyinka

Cutubkii  ugu horeeyay ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu meeleynayo Jubbooyinka ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyagoo fariisimo ka sameystay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo iyo Dekedda Kismaayo.

Ciidamada oo gaaraya  250 Askari ayaa la sheegay inay gaari doonaan 1000 askari, oo Jubbooyinka ka howlgalaya, waxaana halkaasi uga sii horeeyay Markab ku xirtay Dekadda Kismaayo oo siday hub iyo gaadiid. Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa bedelaya ciidamadii Siiraaliyoon oo bishii January ka baxay Soomaaliya.

Diyaargarowga ciidamadan ayaa muddo dheer ka socday magaalada Kismaayo, waxaana dhinaca kale Addis ababa arrintan u tegay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe oo doonaya in dagaal lagu qaado degaanada Alshabaab ay heystaan ee Jubbooyinka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON