Madoobe Nuunow Maxamed oo hore u sheegtay madaxweynaha maamul lix gobol ka kooban kadibna ka tanaasulay oo la heshiiyay Shariif, haddana ka mida Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa loo magacaabay inuu guddooniye u noqdo Guddiga Doorashooyinka guddoonka Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.
Qabanqabada doorashada guddoonka Baarlamaan goboleedkaasi ayaa ka socota magaalada Baydhaba, waxaan is sharxay lix xubnood oo u taagan jagooyinka guddoomiyaha iyo ku xigeenada Baarlamaanka.
Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa sheegay in maanta Musharaxiinta u taaganqQabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland iyo Kuxigeenadiisa ay Baarlamaanka ka hor jeedin doonaan, iyadoo Axadda ay dhici doonto doorashada Guddoomiyaha iyo Kuxigeenkiisa.
Guddigaan loo xil saaray Dar dar galinta Doorashadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo
Kuxigeenadiisa ayaa ka kooban 13-Xubnood.
Goobjooge.com