War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax weyn uu ka dhacay Baarka Village e agagaarka Carwada iyo guriga Hooyooyinka, degmada Xamarweyne magaalada Muqdisho.
Wararka ugu horeeya ayaa ku waramaya inuu is qarxiyay nin is miidaamiyay, waana goobtii ay hore u weerareen kooxda Alshabaab oo ay ku dhinteen weriyeyaal fara badan. waxayna ku dhow dahay madaxtooyada iyo dhismooyin fara badan oo dowladdu leedahay.
Dad goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo dowladda Federaalka ka tirsan ay goobta xireen, iyadoo dhaawacyada laga daad gureynayo halkaasi. Qasaaraha ayaa isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjooge.com