Thursday, July 17, 2025

DAAWO: Safaaradda Sacuudiga ee Iiraan oo la weeraray, dabna la qabadsiiyay

Dibadbaxayaal reer Iiraan ah oo ka caraysan dilkii uu Sucuudiga u geystay wadaad caan ah oo Shiicada dalkaasi hogaamiye u ahaaa yaa  weerar ku qaaday dabna qabadsiiyay safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Iiraan.

Kooxda u tababaran sida milateriga ayaa dhismaha safaaradda Sacuudiga ee magaalada Tahraan ku tuuray bambooyin laga sameeyay batrool, waxayna dibad baxayaashu burburiyeen alaabtii taalay dhismaha safaaradda oo markii dambe  booliska Iiraan kala eryaan dadkaasi.

Dowladda Iiraan iyo xukuumada ay Shiicadu hogaamiyaan ee dalalka carabta ayaa si weyn u cambaareeyay dilka Wadaadka ee Nimr al-Nimr, kaasi oo loo dilay dembiyo la xiriira kacdoon abaabul iyo  argagixisanimo.

Arrintan oo keentay inuu sii xoogeysto loolankii Suniga iyo Shiicada ayaa xaalad cakiran ka abuuray gobolka Bariga dhexe oo markii horeba dagaalo ku saleysam Mad-hab ay aafeeyeen.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON