Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa goor dhow guddoomiye u doortay C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
C/qaadir Shariif oo helay codad dhan 110, wuxuuna ka guuleystay musharaxii la tartamayay ee Cali Xasan Cusmaan oo helay 33 cod.
Musharaxa laga guuleystay ee Cali Xasan Cismaan ayaa ugu hambalyeeyey xilka uu ku guuleystay Gudoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed ee la doortay Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa. Dhinaca kale Gudoomiyaha la doortay Cabduqaadir Shariif ayaa sheegay inuu uga mahadcelinyo dhamaan Xildhibaanada codka bixinayey isagoo sigaar u hambalyyeyey xildhibanada codka siiyey.
Musharaxa guuleystay ayaa la sheegay inuu gacan saar la lahaa madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo olole weyn u galay inuu ku soo baxo guddoomiyaha Baarlamaanaka. Tirada Xildhibaannada xaadirdka ahaa ayaa gaarayay 145 Xildhibaan, kuwaasi oo dhamaan ku sugna madasha doorashada ka dhacaysay ee Magaalada baydhaba.
Waxaa hadda socota doorashada Guddoomiye ku xigeenka oo ay u taagan yihiin 3 Musharrax oo kala ah:
- Shukri Bashiir Haajir
- Ibrahim Xasan Buulle
- Maxamed Nuur Maxamed
Maxamed Nuur Maxamed Macalim ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka koonfur Galbeeed, halka guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Aweys Xuseen Macalin.
Goobjooge.com