Monday, July 14, 2025

Wafdi Wasiiro & xildhibaano ah oo Beledweyne u tegay tacsida Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif

Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Federaalka iyo waxgarad oo ay ka mid yihiin wasiiro, xildhibaano iyo odayaal dhaqameed ayaa galabta ka degay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, iyagoo ka qeyb galaya tacsida iyo aaska Ugaad C/raxmaan Ugaas Khaliif oo maanta si lama filaan ah ugu geeriyooday magaaladaasi.

Wafdiga waxaa hogaaminayay wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana ka mid ahaa:  Wasiirka Tarmarta iyo Shidaalka Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye, Xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi, Cali C/llaahi Cosoble iyo odayaal dhaqameed.

Wafadigan ayaa la sheegay inay hordhac u yihiin wafdiyo kale oo maalmaha soo socda gaari doona magaalada Beledweyne kana qaybgeli doona aaska Allaha u Naxariistee Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON