Waxaa magaalada Beledweyne ka socda qabanqaabada aaska Allaha u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo dadaal loogu jiro in aaskaasi ka dhaco degaanka Halgan ee gobalka Hiiraan, halkaasi oo ay ku aasan yihiin dhammaan ugaasyadii ka horeeyay oo uu ugu danbeeyay Aabihii Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo sanadkii 2001 lagu aasay.
Magaalada Baladweyne e waxaa ku qulqulaya waxgarad iyo mas’uuliyiin kala duwan iyadoo ay halkaasi ku sugan yihiin xubno isugu jira wasiiro iyo xildhibaano.
Wararka ayaa sheegaya in degaanka loo qoondeeyay in lagu aaso Ugaaska uu ammaan ahaan yahay mid halis ah oo kooxda Alshabaab ay xoog ku leedahay, taasoo dad badan cabsi gelisay.
Sidoo kale waxaa magaaladaasi maanta gaaray wasiiro iyo odayaal dhaqameed oo uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odowaa oo uu ka mid yahay Imaamka Beelaha Hiraab Imaam Maxamed Yuusuf iyo odayaal dhaqameed fara badan.
Meydka Ugaaska ayaa lagu wadaa in la geeyo xarunta maamulka halkaasina lagula tukado salaada janaasada, waxaana weli ku qulqulaya waxgarad, siyaasiyiin, madax dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyo doonaya inay ka qeyb galaan tacsida Ugaaska.
Goobjooge.com