Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii dagaal culus ku qaaday degaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ahayd goob fariisin ay ku lahaayeen ciidamada milateriga Soomaaliya.
Dagaalkan oo muddo saacado ah socday ayaa la sheegay inay maleeshiyada Al-Shabaab gudaha u galeen degaankaasi, iyadoo dagaal culus uu dhex maray labada dhinac.
Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dagaalka ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo saanad milateri iyo waliba inay ciidamo badan ku dileen Warmaxan. Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiino ayaa dhinaciisa beeniyay inay Al-Shabaab la wareegeen Warmaxan, wuxuuna ku dooday in ciidamada Nabadsugida ay gacan ka siiyeen in la iska caabiyo Al-Shabaab oo dib loo celiyay weerarkoodii.
Alshabaab ayaa weeraro joogto ku heysa fariisimaha ciidamada AMISOM kuwa dowladda Federaalka, halka ciidamada dowladda ay beel beel u kala baxeen oo ay ku dagaalamayaan degmada Baraawe.
Goobjooge.com