Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo weerr Qarax iyo dagaal ku qaaday Kolonyo AMISOM ah oo ku socotay Saldhigga Leego

Wararka laga helayo  degaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya  in Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lala beegsaday Qarax Miino oo wadada loo  geliyay xilli ay marayeen degaankasi.

Qaraxa miinada oo ahayd nooca la hago  ayaa  haleeshay kolonyada AMISOM  oo la sheegay in ay ku siijeedeen Degaanka Leego oo fariisin weyn ay ku leeyihiin. Dadka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa miinada kadib uu dagaal fool ka fool ah dhex maray Ciidamada  AMISOM  iyo  maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab, dagaalkaas oo muddo kooban socday.

Weli lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa iyo iska hor imaadka, waxaana la sheegay in ciidamada AMISOM ay ku faafeen degaankaasi iyagoo baadi goobaya maleeshiyada soo weerartay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON