Dowladaha Baxreyn iyo Suudaan ayaa ku dhawaaqay inay xiriirkii diblomaasiyadda u jareen Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan, iyagoo tallaabadaasi ku raacay Boqortooyada Sacuudiga oo xalay ku dhawaaqday inay xiriirkii u jartay Iiraan.
Suudaan iyo Baxreyn ayaa saaxiib dhow la ah Sacuudiga waxaa sidoo kale tallaabo qaaday Imaaraadka Carabta oo hoos u dhigtay metelaadii safaaradeeda dalka Iiraan.
Wasiirka Arrimaha dibadda Suudaan Axmed Ganduur ayaa shaaciyay inay Suudaan xiriirkii diblomaasi u jartay Iiraan oo ay ka dalbatay Diblomaasiyiinta Iiraan ee ka baxaan dalka Suudaan, iyadoo tallaabadaasi uu gaarsiiyay Boqortooyada Sacuudiga.
Dhinaca kale war hadda uun soo dhacay ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka mamnuucday hawadeeda inay adeegsadaan diyaaradaha laga leeyahay dalka Iiraan, taasoo ka dhigan in xiriirka labada dal ee Iiraan iyo Sacuudiga uu gaaray heerkii ugu xumaa.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii Safaaradda Sacuudiga ee dalka Iiraan lagu qaaday, waxaana lagu taageeray tallaabooyinka ay qaadeyso dowladda Sacuudiga.
HOOS KA AKHRISO WARKA AY SOO SAARTAY WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA
Goobjooge.com