Thursday, June 26, 2025

Milateriga Soomaaliya & AMISOM oo qorsheeyay howlgal cusub oo lagu qaadayo Alshabaab

Kulan ay maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku yeesheen taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiisha ugu sarreysa AMISOM ayaa looga  hadlay qorshe dagaal cusub oo lagu qaadayo kooxda Alshabaab si sanadkan gudihiia looga xoreeyo degaanada gacantooda ku harsan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa cadeeyay  in sanadkan 2016-ka uu u noqon doono  sanadii  howlgallada howlgallada lagu baacsanayo Ururka Al-Shabaab.

“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Sanadkan 2016 Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay argagixiso ka taliyaan”ayuu yiri Taliyaha Xoogga dalka.

Kulanka ayaa waxaa taliyaha ciidamadda ku weheliyey Abaanduulaha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale, wuxuuna shirkani qeyb ka yahay kulamo is daba joog ah oo maalmihii u danbeeyey u dhexeeyey wasaaradda gaashaandhigga iyo hawl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Howlgalka ugu weyn ayaa la filayaa inuu ka bilowdo degaanada Jubbooyinka, kaasoo loogu magac daray “Jubba Corridor” waxaana hadda socda ciidamo ku qulqulaya gobolada Gedo iyo Jubada hoose oo dagaalka qeybta ugu weyn ka qaadanaya.

AM1

AM2

Am3

AM4

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON