Waxaa baraha bulshada Soomaalidu xiriirto iyo website-yada qaarkood qabsaday maalmahan danbe warar ku saabsan in Muqdisho lagu xiray Gen. Gabre oo ka tirsan mas’uuliyiinta xafiiska IGAD u qaabilsan Soomaaliya, horena u ahaa sarkaalkii hogaaminayay ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya farageliyay sanadkii 2007.
Xariga la sheegay in loo geystay Gen. Gabre waxaa si weyn u baahiyay shaqsiyaad iyo baro kala duwan iyadoo loo ekeysiiyay mid xaqiiqo u dhow, balse baaritaan iyo xiriiro aanu la sameynay saraakiisha dowladda ayay ku xaqiijiyeen in wararkaasi ay yihiin been abuur iyo wax lagu qoslo.
Gen. Gabre waa diblomaasi aanay suuragal ahayn in la xiro, kagana shaqeeya Soomaaliya isagoo huwan magaca IGAD. Dowladda Itoobiya ayaa u sheegtay madaxda Soomaalida xilliyo hore oo ay dacwad ka gudbiyeen dhaqdhaqaaqyada Jen. Gabre inuusan ninkaasi metelin Itoobiya oo uu ka tirsan yaya mas’uuliyiinta IGAD.
Aqoonyahanada qaarkood ayaa saxaafadda Soomaalida iyo fanaaniinta qaarkeed ku eedeeyay in Gabre ay ka dhigeen wax mucjiso ah oo iyaga uun ay buunbuuniyeen iyagoo aan ogeyn waxa ay sameynayaan, waxayna ku waaniyeen inaysan ka joogsadaan iidhehda ay u sameynayaan ninkaasi.
Goobjooge.com