Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tegay magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Galmudug.
Garoonka Cadaado waxaa ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno ka tirsan wasiirada maamulkiisa, waxaana markaasi kadib loo gudbiyay xarunta madaxtooyada Galmudug halkaas oo kulan albaabada u xiran yihiin uga socdaan labada dhinac.
Socdaalka Axmed Madoobe ee Cadaado ayaa salka ku haya balanqaad hore oo ahaa inuu tago Cadaado, waxaana la sheegay inuu isla galabta u gudbi doono magaalada Boosaaso oo uu uga qeyb geli doono furitaanka Garoonka cusub ee magaalada Boosaaso.
Goobjooge.com