Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirkii Diblomaasi u jartay dalka Iiraan, kadib shir ay yeesheen Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya maanta oo Khamiis ah 7-da Janaayo 2016 ayaa go’aan lagu gaaray in Soomaaliya ay qaadato tallaabadan iyadoo loo yeeray safiirkii Soomaaliya u joogay dalka Iiraan, isla markaana lagu amray safaaradda Iiraan iyo diblomaasiyiinta ka jooga dalka inay degdeg uga baxaan Soomaaliya.
Go’aankan oo dood kulul ka dhex dhaliyay xubnaha Golaha wasiirada ayaa markii danbe go’aan lagu gaaray in xiriirka loo jaro dalka Iiraan, sida ay sameeyeen dalal carbeed sida Baxreyn, Suudaan, Kuweyt iyo dalal kale.
Iiraan ayaa Safaarad ku lahayd Soomaaliya, waxayna ka mid tahay dalalkii ugu horeeyay ee Muqdisho safaarado ka furta xilli hore. Waxaana go’aanka dowladda Soomaaliya uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah muddo 30 sano ka badan oo dal xiriir diblomaasi la leh Soomaaliya xiriirka loo gooyo, tallaabadan oo lagu taageerayo Boqortooyada Sacuudiga.
Goobjooge.com