Thursday, June 26, 2025

Xubnaha Golaha Wasiirada ugu jira beesha Hawiye oo cambaareeyay socdaalkii Jawaari ee Dhuusamareeb

Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ku tegay magaalada Dhuusamareeb ayaa sii socota iyadoo ay kulamo looga hadlayo arrintaasi ka socdaan Muqdisho kadib eedeyntii ka timid madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed.

Xubnaha Golaha Wasiirada ugu jira beelaha Hawiye ayaa shir gaara ka yeeshay arrinta socdaalka guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna ka horjeesteen safarkaasi, iyagoo guddoomiyaha Baarlamaanka u diyaariyay qoraal cabasho ah.

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas ayaa akhriyay warsaxaafadeed ka soo baxay wasiirada iyo xildhibanaada Beesha Hawiye ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka socdaalkiisa Dhuusmareeb uu yahay mid wax yeelaya midnimada Galmudug.

Dhinaca kale xildhibaanada kasoo jeeda gobollada dhexe ayaa si weyn uga carooday tallaabada uu qaaday Guddoomiye Jawaari, waxaana Muqdisho ka socda olole lagu doonayo in Baarlamaanka  lagu geeyo mooshin arrintan ku saabsan.

DAAWO VIDEO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON