Monday, June 23, 2025

Shir hordhac ah oo Kismaayo uga furmaya Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxda maamulada dalka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kulamo hordhac ah oo xal loogu raadinayo khilaafaadka ka dhex jira maamulada dalka uu ka dhici doono magaalada Kismaayo, ka hor inta aanu furmin shirka wadatashiga. Kulamadan oo ay ka qeybgeli doonaan madaxda maamulada dalka ka jira waxaa guddoominaya ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Arrintan ka dambeysay kadib markii ay soo if baxeen khilaafaad ka dhex jira maamulada dhexdooda sida Jubba iyo Puntland oo dhinac ah iyo K/Galbeed oo dhinaca kale ah, waxaana dadaalkaasi Muqdisho ka bilaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo isu keenay Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

HOOS KA AKHRI WARKA XUKUUMADDA

Ad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan horkici doonta kulamo iyo shirar muhiim u ah baahinta xukunka, dib u heshiisiinta iyo Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in toddobaadkan uu dhacayo shirkii wadatashiga ee lagu ballansanaa inuu Kismaayo ka dhaco, dhanka kalena uu furmayo shirka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacaya kulamo hordhac ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, waxaana ka soo qeybgalaya Madaxweyneyaasha maamullada Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

- Advertisement -

Kulamadan hordhaca ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doona xiriirka ka dhexeeya maamullada, xalinta wixii tabashooyin ah oo jira, dhameystirka heshiiskii lagu soo afjarey colaaddii Gaalkacyo iyo u diyaar garowga kulanka sare ee wadatashiga ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sannadkan 2016-ka.

DHAMMAAD

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON