Wasaaradda Warfaafinta oo shir lagu hormarinayo saxaafadda ka furtay Muqdisho

Shirka la sheegay in looga hadlayo Horumarinta Istiraatiijiyadda Warbaahinta Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Warfaafinta dowladda federaalka, waxaana dhaqaalaha bixinaya hay’adaha Hay’adaha IMS/FOJO iyo UNESCO.Waxaa shirka lagu casuumay wasaaradaha warfaafinta dowlad goboleedyada, ururrada saxaafadda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera saxaafadda Soomaaliya. Waxaa shirka furay wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sheegay in shirkan daba socdo shirkii Qaran ee warbaahinta Soomaaliya oo bishii November lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa shirka furay Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo sheegay sida ay muhiimad u leedahay in warbaahinta ay yeelato qorshe u degsan, wuxuuna u mahad celiyay intii shirkaasi ka soo shaqeysay.

Waxaa la sheegay in shirkani socon doono laba maalmood, lagana soo saari doono  sida la sheegay istiraatiijiyad Qaran oo shanta sano ee soo socota lagu horumarin doono warbaahinta Soomaaliyeed.

Ma cadda qaabka 2 maalmood loogu dejin jaro istiraatiijiyad 5 sano lagu horumarinayo warbaahinta Soomaalida iyadoo ay muuqato in dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ay la wareegaan howlihii horumarinta saxaafadda.

12546127_10153467781397087_1649144567_o

12546172_10153467781227087_1115029591_o

12506682_10201327564788709_465650134_n

 Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON