Laacibka reer Argentine ee kooxa Barcelona Lionel Messi ayaa markii shanaad caawa ku guuleystay ciyaaryahanka ugu wanaagsan sanadka 2015, kadib markii uu ka qaaday labadii ciyaaryahan ee kula loolamay oo kala ahaa Cristiano Ronaldo oo Real Madrid u ciyaara iyo laacibka ay isku kooxda yihiin Neymar.
Xalfadii looga dhawaaqay ciyaaryahanka sanadka ee magaalada Zurich ayaa markii shanaad loogu gacan geliyay Ballons d’Or kubad dahab ah.
Messi oo ka hadlay ka hor xafladii guddoonsiinta abaalmarinta ayuu beeniyay in wax maseyr iyo cadaawad ahi ka dhaxeyso isaga iyo Cristiano Ronaldo, wuxuuna intaasi ku daray in Ronaldo uu leeyahay xirfad uu laacib kasta doonayo inuu yeesho.
Mar uu ka hadlay abaal marinta Ballon D’OR ayuu sheegay inuu ka jeclaan lahaa inuu ku guuleysto Koobka adduunka oo rajadiisu ay tahay inuu mar qura koobka adduunka kula guuleysto kooxda dalkiisa Argentina.
Cristiano Ronaldo ayaa isna ka hadlay xirfada Messi isagoo sheegay in lugtiisa bidix uu jecel yahay sida uu uga ciyaaro oo uu jeclaan lahaa inuu sidaas oo kale lahaan lahaa lug bidix oo sida tan Messi oo kale ah.
Tababaraha kooxda BarcelonaLuis Enrique ayaa isna ku guuleystay tababaraha ugu fiican sanadkii 2015, waxaana u gudoomay xoghayaha dhinaca farsamada kooxda Barcelona Robert Fernandez, kadib markii uu ka soo xaadiri waayay xafladda Zurich.
Goobjooge.com