Thursday, June 26, 2025

Yuusuf Dabageed iyo wafdigii Gobolka Hiiraan oo gaaray Magaalada Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin odayaasha Hiiraan, Waxgaradka iyo xubnaha maamulka gobolka ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Wafdiga oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne ayaa qeyb ka ah furitaanka shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana magaalada Jowhar ka socda qabanqaabadii ugu danbeeyay ee furitaanka shirka oo madaxweyne Xasan Sheekh ku wajahan yahay.

 

Ciidamo fara badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa ku sugan magaalada Jowhar iyagoo sugaya ammaanka magaalada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON