Sunday, July 13, 2025

Xaruntii Hay’adda Imaam Khumeyni ee magaalada Muqdisho oo la bililiqeystay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya  in koox maleeshiyo ah iyo dadweyne la socda ay saaka galeen isla markaana bililiqeysteen  Xaruntii Hay’adda Khumeyni ee magaalada Muqdisho oo ku taalla inta u dhaxeysa Isbitaalka Banaadir iyo Daarta Sey biyaano.

Xaruntan ayaa la sheegay inay bililiqo iyo boob baahsan uu ka dhacay, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jartay dalka Iiraan, isla markaana lagu amray inay kala diraan shaqaalahooda qalabkoodana meeleeystaan.

Maleeshiyo markii horeba ilaalo u ahayd xarunta iyo dadweyne la socda ayaa saaka ku qamaamay xarunta iyagoo awood adeegsaday,  isla markaana ay halkaas bililiqo ka bilaabeen xarunta.

Ciidamada dowladda ayaa markii danbe halkaasi tegay iyadoo gacanta ku dhigay qaar ka mida dadkii bililiqada ku lug lahaa iyo nin la sheegay inuu u dhashay dalka Iiraan. waxaana hadda xarunta ku sugan ciidamada nabad sugidda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON