Friday, June 27, 2025

Madaxaweynaha Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa  Stephen Schwartz u soo  magcaabay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya sida laga soo xigtay waxbixin uu faafiyay Aqbalka Cad ee Mareykanka.

Stephen Schwartz ayaa ah sarkaal in muddo ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, isagoo ka howl galay xafiisyo qaabilsanaa dalalka Australia, New Zealand, iyo jasiiradaha Pacific-ga. Sidoo kale Stephen Schwartz ayaa soo noqday kuxigeenka madaxa howlgalka safaaradda Mareykanka ee magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Dowladda Mareykanka ayaa horay safiir ugu soo magacowday Soomaaliya haseyeeshee wuu is-casilay danjirahaasi inta uusan ka howl galin Soomaaliya. Safiirka Obama soo magacaabay ayaa  u baahan in Koongareeska dalkaasi uu ansixiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON