Wararka aanu ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhoweyd shirkii maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ka furay halkaasi uu caawa ku hoyan doono magaalada Jowhar.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu socdaalkiisii magaalada Kismaayo dib u dhigtay ilaa maalinta Beri ah oo uu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo. Xogta Goobjooge.com heleyso ayaa sheegeysa inuu madaxweynaha kulamo kula yeelan doono magaalada Jowhar guddoomiyeyaasha goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyo madaxweynaha Galmudug.
Wufuud ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo maamulada labada gobol ayaa lagu wadaa inay berito tagaan magaalada Kismaayo oo ay maanta gaareen qeyb ka mida ilaalada madaxweynaha, waxaana la sugayaa inuu furo shirkii Madasha Qaran oo muddo 3 maalmood ah dib u dhacay.
Goobjooge.com