Thursday, June 26, 2025

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo sharci darro ku tilmaamay, kana digay Banki uu furay C/weli Gaas

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa shaaciyay in Banki ay leeyihiin Ganacsato ajnabi ah si sharci darro ah looga furay magaalada Boosaaso dhowaan, wuxuuna caddeeyay inaan Banki laga furi karin Soomaaliya iyadoo aan sharci ruqsad ah ka heysan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa dadka Soomaaliyeed ee Gobolka Bari iyo degaanada Puntland ay ka digtoonaadaan inay la macaamilaan Bankigaasi oo ay wax lacag ah iska geliyaan, wuxuuna amar ku bixiyay in la joojiyo shaqada Bankigaasi.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland ugu baaqay inay sharciga dalka raacaan.

DHINACA SARE KA DAAWO WARKA CAD EE GUDDOOMIYAHA BANKIGA DHEXE EE SOOMAALIYA

Dhinaca kale Bankiga uu ka hadlayo guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa CAC International Bank, waxaana 9-kii Bishan Janaayo 2016 magaalada Boosaaso ka furay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo la sheegay inuu bixin doono adeegyada ay bixiyaan bangiyada  Caalamka.

Cacbank

Bankiga CAC International Bank waxaa fadhigiisu yahay dalka  Jabuuti iyadoo laan uu ku leeyahay dalk Yeman, mana jirto faahfaahin badan oo laga hayo.

Goobjooge.com

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON