Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO Guddoomiye ku xigeenka Gedo: “Ilaa 40 askari oo Kenyaan ah ayaa lagu dilay Ceelcadde..”

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq ayaa sheegay in Alshabaab la wareegeen xeradii ciidamada AMISOM ee Ceelcade, isla markaana qasaare badan ka dhacay dagaalka.

Dhimashada dagaalka Ceelcade ayuu sheegay in 35-40 askari looga dilay ciidamada Kenya laguna gubay gaadiid fara badan, ayna adeegsadeen 4 baabuur oo is miidaamin ah dagaalkuna uu ahaa mid culus, qasaaruhuna aad u balaaran yahay.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo wuxuu sheegay in ciidamada Soomaalida ay dhinac isugu urursadeen, ciidamada Kenyana saddex gaari ay ku baxsadeen oo Ceelwaaq aadeen, ayna jiraan askar Kenyaati ah oo duurka galay, wax warna aan laga heynin.
Dhageyso wareysiga Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ee VOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON