Monday, June 23, 2025

Sheekh Cali Dheere: “Boqol askari wax ka badan ayaan ka dilnay Ciidamada Kenya…..”

Ururka Alshabaab ayaa war uu kasoo saaray dagaalkii ay ku qaadeen xarada ciidamada Kenya ee degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo ku sheegay in dagaalka ay ku dileen in ka badan 100 askari oo Kenyaati ah.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo war kasoo saaray dagaalkaasi ayaa sheegay  in dagaalkii Ceel-cadde  qasaare weyn kasoo gaaray askarta Kenya, lagana furtay 30 Gaadiidka gaashaaman iyo agabyo kale oo  milateri.

Sheekh Cali Dheere oo warka uu soo saaray oo muddo dheer soconayay wuxuu si balaaran uga hadlay qorshaha ciidamada Kenya iyo weerarkooda qasaaraha ay ku gaarsiiyeen ciidamada Kenya.

Ad

Ma jiraan cid xaqiijisay qasaaraha ka dhashay dagaalka Ceelcade, waxaana weli ka gaabsanaya tirada askarta dhimatay dowladda Kenya iyo AMISOM oo sheegay inay arrinta qiyaasayaan.

DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON