Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaaliya Danjire Maxamed Axmed Al-Cusmaani ayaa maanta toban baabuur oo isugu jirta Gaadiidka Ciidanka, Ambalaas, Booyad ah iyo Gaari ah nooca aanay rasaastu karin ku wareejiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Danjiraha oo deeqda ku guddoonsiiyay xarunta safaaradda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidka maanta ay ku wareejiyeen Maamulka Kooofur galbeed uu qeyb ka yahay taageerada Dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab tagaan tahay Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira. Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh ayaa isna uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta gaadiidka ay ku wareejisay.
Imaaraadka Carabta ayaa hore gaadiid noocan oo kale ah siisay maamulada Somaliland, Puntland iyo Jubba.
DAAWO SAWIRADDA