Xaflad lagu caleemo saarayo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Baydhaba, gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaaladasi, waxaana xafladasi ka qeyb galaya madaxda maamulada iyo kuwa dowlada Federaalka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galaya xaflada isagoo muddo dheer ka biyo diidanaa sida maamulka loo dhisay oo ay isku qabteen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaa kaloo xaflada ka qeyb galaya wakiilo kasocda maamulada dalka ka jira iyadoo magaalada Baydhaba laga soo fogeeyay oo garoonka diyaaradaha la geeyay, waxaan ammaanka sugaya ciidamada AMISOM ee Itoobiya iyo ciidamada Soomaalida.
Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Koofur Gabeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaaku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamanka K/Galbeed, isagoo ahaa musharixii uu watay Shariif Xasan.
Goobjooge.com