Sunday, July 6, 2025

Beelo qaadacay qaabkii loo qeybiyay odayaasha xulaya ergada shirka Jowhar & Digniin ay jeediyeen

Odayaasha beelaha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa ka hor yimid qorshe ay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya beelaha ugu qeybisay tirada odayaasha soo xulaya ergada shirka oo Goobjooge.com ay soo bandhigtay.

Beelaha ka carooday tirada odayaasha soo gaaray waxaa ka mida: Gaaljecel, Ujeejeen, Gugundhabe iyo beelo kale oo wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay inuu si khaldan oo aan la qaadan karin wax u qeybiyay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Jowhar ka sheegay in waxa Jowhar ka socda aanay aqbali karin oo ay dacwad gaarsiinayaan madaxweynaha Soomaaliya, wixii ka yimaada shirkaasna uu mas’uul ka yahay Wasiirka arrimaha gudaha.

HALKAN KA AKHRISO SIDA ODAYAASHA SOO XULAYA ERGADA SHIRKA LOO QEBIYAY

Ergada ka timid gobolka Hiiraan ayaa ku goodiyay inay qaadacayaan shirka haddii aan wax laga qaban wasiirka arrimaha gudaha, waxaana xaaladda sii cakiray markii beelo aan degaan ku lahayn labada gobol tiro laga siiyay odayaasha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON