Sunday, July 6, 2025

Wasaaradda Isboortiga oo joojisay ciyaarahii ka socday Garoonka Koonis (Kharash la isku heysto)

Dowladda Soomaaliya ayaa hakad gelisay ciyaarahii kubada cagta ee lagu qaban jiray Garoonka Stadio Konis ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortigaXukumadda Soomaaliya  Cusmaan Aadan Dhuuboow  ayaa sheegay in  la hakiyay  ku caiaarida Garoonka K/cagta Banaadir Stadium sababo la xiriira is qabsi lacageed oo ku saabsan khidmada laga qaado garoonka.

Cusmaan Aadan Dhuuboow wuxuu intaas ku daray in lacagaha laga qaado  Dadka soo gala Garoonka Cayaaraha ee Banaadir Stadium aysan ogeyn in Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha iyo Wasaaradda Maaliyada intaba oo ay dhexda ka baxaan. Wuxuna xiriirka ku eedeeyay inay boonooyin sharci darro ah sameystaan kuna qaadaan lacagta iyagoo diiday amarkii wasaaradda.

Dhinaca kale ciriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaan weli ka hadlin arrintan ay Wasaaradda ku joojisay ciyaarihii ka socday garoonkaasi  oo xilligan ahaa mid mashquul ah oo horyaala dalku ka socdo.

Arrintan ayaa muujineysa in dowladda Federaalka ay hadda uun ku soo baraarugtay kharashka garoomad ciyaaraha, waxaana ay salka ku heysaa is afgaranwaa xiriirka iyo wasaaradda u dhaxeeya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON