Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi laga sugayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti oo ku sii jeeda magaalada si ay uga qeyb galaan xaflad milateri oo halkaasi ka dhaceysa maanta.
Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu ku soo fool leeyahay magaalada Beledweyne, waxaana socdaalkooda magaalada Beledweyne lagu sheegay inay goobjoog ka noqdaan xaflad ciidamo cusub oo Jabuutiyaan ah xilka kala wareegayaan ciidamadii hore Jabuuti halkaasi uga joogay oo waqtigoodii u dhammaaday.
Isku bedelka ciidamada dalalka qeybta ka ah AMISOM arrin sanadkiiba mar dhacda, waxaana lagu wadaa in labada mas’uul ay kulamo la yeeshaan odayaasha reer Hiiraan .
Goobjooge.com