Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay weerarka caawa lagu qaaday baarka Sea Food iyo Hotelka Beach view ee ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
War ay soo saartay Alshabaab oo laga sii daayay idaacada taageerta Andalus ayaa sheegaya in Xarakada ay qaaday weerarka. “Ciidamo inqimaasiyiin ah oo katirsan mujaahidiinta ayaa la wareegay Hoteelka Bech View howlgal culus oo ka dhan ah cadawga allaah ayaana wali socda” sidaa waxaa laga soo xigtay Idaacadda Andalus.
Weerarka oo ku bilowday qarax is miidaamin ah iyo dabley dhinaca xeebta kasoo gashay baarka ayaa laga cabsi qabaa in qasaare baaxad leh uu ka dhaco halkaasi.
Alshabaab ayaa weerarkan qaaday iyadoo Jimcihii ay weerar lagu hoobtay la beegsatay ciidamada Kenya ee fadhigoodu ahaa xerada Ceelcade ee Gobolka Gedo.
Goobjooge.com