Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Qasaarihii uu Geestay Weerarkii arxan darada ahaa ee ay ku qaadayeen UGUS Liido Sea Foof Restauran waa sidan:
Dhimasho:
1. Dhimasho waa 25 oo rayid ah,
a. Dumar 5
b. Caruur 1, da’deeda aan ku qiisnay 4 jir ku dul geeriyootay hooyadeed.
c. inta kale waxay ahaayeen rag u badan dhalinyaro isuguna jiray shaqaalaha Hotelka, Arday Jaamacadeed iyo Macalimiin u nasasho tagay goobta falku kadhacay.
d. Waxaa goobta laga soo bad baadiyay dadweyne kor u dhaafay ilaa 100 qofood oo ku go’doonsanaa Maqaaxida gudaheeda
waxaana alle uga mahad celinaynaa inuu qasaaraha noo koobay.
Dhanka UGUS:
– waxaa la dilay dhamaan ragii hubeysnaa ee goobta galay, tiradooduna waxay ahayd 6.
– Waxaa is qarxiyay nin kamid ah UGUS
– waxaa gacanta lagu dhigay Dhagar qabihii soo abaabulay qorshaha oo isku dayay inuu baxsado balse tilmaamo iyo muuqaalo laga hayay ay noo suurto gelisay inaan gacanta ku dhigno.
Dhanka NISA:
– Waxaa dhaawac fudud kasoo gaaray weerarkaas labo askari oo kamid ahaa ciidankii gurmadka dhaawacoodana maahan mid CULUS.
Gebo-Gebo:- waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga direynaa dhamaan shacabka soomaaliyeed inagoo si gaar ah uga tacsiyeeyneyna intii ay si gaar ah u taabatay dhibaatadan, waxaan u mahad celinaynaa intii nagala qeyb qaadatay badbaadinta shacabka ee u istaagtay Gurmadka gaar ahaan gaadiidka Gurmadka Caafimaadka.